Madaxweynaha Puntland oo La-taliye cusub magacowday

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 73 ee 20-ka Okoober 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoonteeda iyo waayo-aragnimadeed shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Luul Maxamed Warsame Awad loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=