Kalfadhigga 51-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmaya

Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah uu si rasmi ah u furmo Kalfadhigga 51-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furi doona Kalfadhigga 51-aad ee Baarlamaanka Puntland sida uu qabo dastuurka Puntland, isagoo ka jeedin doona khudbad uu uga hadli doono xaalada guud ee dalka, gaar ahaan Puntland.

Khudbadiisa ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Deni uu diirada ku saaro waxqabadka Xukuumadda uu hoggaamiyo, ee dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, iyo hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland.