Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Karaash & Paul Simkin ? + Sawirro

Madaxwayne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayey Madaxa mashuurca Horumarinta degmooyinka JPLG ee Soomaaliya, Paul Simkin oo ay ka mid yihiin saraakiil ka socday UNJPLG .

Waxaa Kulanka looga hadlay dar-dargelinta mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG iyada oo diiradda la saarayo fursadaha iyo caqabadaha jira iyo qorshaha looga gudbayo marka uu dhammaado wejiga hadda socda ee Mashruuca.