Maxaan kala soconaa Green Castle International Bosaso?

Waa Shirkad bixisa adeeg iskugu jira Deegaan,Cunto,Saad iyo amaan,waxaana leh Qoyska reer Deni.

Waxay haysataa ilaa Afar Qandaraas oo adeeg bixin ah,kuwaasoo kala ah…

1.Macdan Qodoyaal.
2.Shirkada Dekeda balaarinaysa.
3.Shirkada garoonka balaarinaysa
4.Shaqooyin kooban.

Dhaqaalaha lagu yagleelay Shirkadan waa mid lagu helay Dowladnimada Puntland,si gaar ah Ciidamada Badda,ayaa si weyn loogaga faa’idaystay.

Waxaa la yaab leh Hay’ada loo dhiibay Aamiin Xaaji Khayr Ciidankeedu waa kuwa u ah Shirkadan ilaaladeeda gaarka ah ee amni.

Guri ka kooban ilaa 40-Qol oo ku yaal Bosaso uuna leeyahay Ganacsade Kamaal Xaaji Aadan ayay wada degan yihiin Shirkada iyo Ciidamada Pisf ee Aamiin Xaaji Khayr.

Wax Indhaha Bulshada ku cusub ma’ahan in nidaamka si gaar ah looga macaasho oo waxaa dhaqankaas bilaabay Faroole,Gaas,ayaa ku xigsaday,waxaa hada bartanka utaagan Deni.

Faroole iyo Deni waa isku dhaqan eg yihiin lkn Gaas waa ka duwanaa oo Dadka kuma dili jirin Cunada waxna waa lala balaqsan jiray.

Nasiibdarradu waa in dhamaantood Qof baahan Qabiil ku difaacay.

Jibril Qoobey.