Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobalka Mudug ? + Sawirro

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Muddane Faysal Sheikh Cali ayaa shir gudoomiyey shirka Gudiga Amniga Gobolka Mudug.

Shirkan oo ay goob joog ahaayeen Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka, Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyaha Gobolka Mudug, Agaasimaha Madaxtooyada Gaalkacyo iyo Masuuliyiin kale.

Shirka ayaa looga hadlay Ladagaalanka Argagixisada iyo Amniga guud ee Gobolka Mudug, shirka oo mudo saacadaa socday ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim u ah Amniga gobolka iyo Is-dhexgalka Bulshada Gobolka.