Kala taga Axmed Madoobe iyo Deni oo Xasan Shiikh fursad ka helay

Axmed Madoobe kama faa’idin xaqiiqdii Laba Wajiilayntii uu Deni ku sameeyay.

Xamar,waxaa ka qabsaday ilhaamo weyn iyo bahdil,waxuuna durba dareemay garabgalkii Puntland.

Lacagtii Shidaalka oo Jubaland ay ku lahayd Hal Milyan iyo Labo Boqol oo kun,waxaa looga ogolaaday Laba Boqol uu qura.

Xasan si cad,ayuu ugu sheegay in JL uu ka joogo Kismaayo Dhulkii intii kale maqan yahay Dowlada Fadaraalkana xilku saaran yahay.

Sidoo kale Axmed Madoobe,isagoo Xamar jooga oo raba in uu la kulmo Xasan,ayuu ka dhoofay una reebay fariin ah “Soo laabadkayga ha isugu”.

Maqaamkii iyo qadarintii lagula dhaqmi jiray hoos baa loo dhigay,waxaana la dareensiiyay in uusan macno Siyaasadeed lahayn.

Dhanka kale Axmed Laba jeer,ayuu diray Ergo kulansiisa isaga iyo Deni,balse waxaa ku gacansayray Deni oo udhoofay Nayrobi.

Ilo xog ogaal ah,waxay ii xaqiijiyeen in Xasan iyo Deni iska waraysteen Axmed Madoobe go’aana kawada qaateen oo Deni si cad ugu yiri Xasan “Sidaad doonto ka yeel dhankayga waa ka fasaxan tahay”.

Axmed,waxaa dhabarjab weyn ku ah jilicsanaanta Xamse ee uusan habayaraatee Villa Somaliya waxba kaga xigsan karin.

Waxaa muuqata waayihii Siyaasadeed ee Axmed Madoobe in ay soo madoobaanayaan,sababtoo ah garab istaaga hogaanka markaa PL jooga,ayaa Axmed qiimo weyn ulahaa.

Jibril Qoobey.