Sidee Bulshada PL Ee Nayrobi u aragtaa khudbadii Madaxweyne Deni?

Waa loo baahnaa kulanka Bulshada Nayrobi iyo Madaxweynaha.

Dareenka Dadku kusoo dhaweeyeen hadalkiisii xalay waa sareeyay.

“Nin isku kalsoon oo si weyn ufaraxsan,ayuu umuuqday Madaxweynuhu Xalay”,Sidaa waxaa igu yiri haldoorkii ka qaybgalay mid ka mid ah.

“Walaahi si cajiib ah,ayuu noola hadlay oo balaaqo leh kana muuqato rabitaan xoog leh oo ah in uu Bulshada la kulmo”,Siyaasiyiinta mid ka mid ah oo ka qaybgalay Xaflada,ayaa igu yiri.

Madaxweyne Deni,waxuu ka hadlay xaalada guud ee Puntland dhanka Amniga,Dhaqaalaha iyo Dimuqraadiyada.

“Guud ahaan Somaliya Dowladnimada aan haysano waa liidataa marka Dimuqraadiyadaas,ayaan hirgelinaynaa”Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Sanadka noo haray,waxaan qabano waad arki doontaan,waana nalooga dayan doonaa waxqabadka aan samayno”Ayuu markale yiri Deni.

La kulankiisii Xalay ee Bulshada Nayrobi,fariinta ugu weyn ay diraysay waa in uu qaatay taladii ahayd “Isfur-fur oo Bulshada la kulan”.

Madaxweynuhu,waxuu usocdaalayaa Zambia oo sidaan oo kale uu kula soo hadli doono Bulshada Wadankaas ku dhaqan.

Qurba-joogtu waa muhiim,waxaana Deni lagu dhaliilaa in uu dayacay oo uusan ka faa’idaysan awoodooda waxtareed.

Jibril Qoobey.