Madaxweyne Deni iyo Safiirka Sweden oo kulmay

Nairobi : 09 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Nairobi, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgarde.

Kulanka waxaa looga hadlay taageerada Dowladda Sweden ee Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Puntland, iyadoo Madaxweynuhu uga mahadceliyay Dowladda Sweden garab istaaga Hay’adaha ku shaqo leh Dimuqraadiyadda oo ay ugu horeyso Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo dhiirrigelinta hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland oo rajo u ah Soomaaliya oo dhan.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa Mashaariicda Sweden ka taageerto Puntland, waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND