Maxaa looga xaajooday Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Tobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay..

1. Amniga.

2. Ansixinta Miisaaniyadda 2023.

3.Mashaariicda Bangiga Adduunka.

4.Hay’adda baarista Hidda-sidaha.

5.Dardargelinta Doorashooyinka.

6.Warbixinta safar Wasaaradda Ganacsiga ku tagtay Gobolka Mudug.

Shirka Golaha Wasiirada,ayaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey Miisaaniyada Dowladda ee Sanadka 2023 taasoo dhan $376,699,825, iyada oo boqolayda kororku yahay 6% marka la bar-bar dhigo sanadkii hore.