Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Xasan Sh Ee Puntland?

Bishan dhamaadkeeda,ayuu kusoo aadan yahay Puntland Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxtooyada Puntland,ayaa laga sugayaa jadwalka soo dhaweynta iyo booqashada Madaxweynaha Fadaraalka.

1.Dekeda Bosaso balaarinteeda.

2.Garoonka Diyaaradaha Bosaso xarigjarkiisa qaybta 1-aad iyo dhagax-dhiga qaybta 2-aad.

3.Kuliyada Booliska Carmo oo la saxiixayo ku tababarida Ciidamada Booliska Fadaraalka.

Waxaa si weyn layskula Afgartay in dhamaan mashaariicdii heer federaal ee Farmaajo xanimay loosoo fasaxo Puntland.

Is faham,ayaa laga gaaray wada shaqaynta Dowlada Puntland iyo Dowlada Federaalka.