Puntland Oo martigelisay Shirweyne Wasiirada Xanaanada Xoolaha Somaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dawladdda Puntland, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed Libaaxe oo uu wehlinayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maxamed Dayib Guure ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed, oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Xanaanada Xoolaha Dawladdaha xubnaha ka ah DFS ee Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Waftiga ayaa u yimid caasimadda Puntland ee Garowe ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Xanaanada Xoolaha dalka oo ka furmay Garoowe, ayna martigelisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland Maxamed Libaaxe,ayaa sheegay in ay sharaf u tahay inay Garoowe kusoo dhoweeyaan Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada, isagoo xusay inay muhiim tahay in shirarka noocaan oo kale ah lagu qabto dalka gudihiisa ee aan loo baahnayn in dibeda lagu qabto.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseyn Maxamed oo ku hadlayey afka waftiga ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta quruxda badan ee loo sameeyey, waxaana uu sheegay inay ku faraxsan yihiin in ay yimaadaan caasimadda Puntland ee Garowe.