Wasaarada Arimaha Gudaha iyo hay’ada Diakonia Oo kawada hadlay Dimuqraadiyaynta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa xafiiska ku qaabilay masuuliyiin ka socda Hay’adda Diakonia oo ay hogaaminaysay Mss Anna Eggelind oo ah Agaasimaha caalamiga ah ee Diakonia oo fadhigeedu yahay (Stockholm), ku xigeenka Gobolka Mr Philemon Jazi oo fadhigiisu yahay (Nairobi) iyo Madaxda Somaliya ee hay’adda Diakonia oo fadhigeedu yahay (Garowe).

Kulankaan oo daba socday kulamo hore oo u dhaxeeyay labada dhinac waxaa looga wada hadlay meesha uu marayo geeddisocodka Dimuqraadiyadda Puntland iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqaynta laba dhinac.

Agaasimaha caalamiga ah ee Diakonia oo markii ugu horaysay Soomaaliya timaada ayaa shaqadeeda ka bilowday Puntland, taas oo muhiim u ah Arrimaha Doorashooyinka Puntland.

Sidoo kale, waxaa kulankaan looga wada hadlay guulaha ay Puntland ka gaartay dhinacyada amniga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Hay’adda Diakonia,ayaa kamid ah hay’adaha Puntland ka taageera dhinacyada horumarka, Dimuqraadiyeynta iyo nabad dhisidda dalka.

Dhammaad.

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.