PHD-da Madaxweyne Xasan qaatay wax ma kusoo kordhin doontaa hogaamintiisa?

68-jir,ayuu ku qaatay Shahaadada sare ee PHD Madaxweyne Xasan,waxayna qayb ka noqotay maqaamyada uu gaaray noloshiisa.

Maamulida shaqada ugu saraysa Somaliya ee uu hayo wax badan kuma soo kordhin doonto Shahaadadan sida la filayo.

Somalida iyo PHD iskuma sancana oo dhamaan Dadka gaaray darajadaas aqooneed ma’ahan hormuud taariikh macno leh ka tagay marka laga saaro in darajo ahaan loogu yeero.

Tusaale”

1.Xasan Cali Mire oo ahaa Shaqsigii ugu horeeyay ee Darajadaas gaara,waxaa ka taariikh sareeya Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn oo aan xataa Degree gaarin,rabi ha uwada baxariisto Labadaba.

2.Prof.Samatarkii reer Goldogob,waxaa ka taariikh sareeya Cabdullaahi Khaliif Xaashi Carro-buro oo Oday dhaqmeed ahaa,Labada rabbi ha’uwada naxariisto.

3.Labada Prof. Ee reer Boorama,waxaa kaga macno badan Deegaankooda iyo Somaliba Daahir Riyaale Kaahin.

4.Prof.Cali Khaliif,waxaa kaga taariikh fiican reer Sool Maxamed Cabdi Xaashi,Labada rabbi ha’unaxariisto.

5.Prof.Gaas,waxaa kaga macno iyo taariikh sareeya Gobolkiisa iyo Somaliba Cabdullaahi Yuusuf oo Geeljiranimo kusoo gaaray in ku dhow 20-jir,rabbi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.

Hogaamintu waa hibo ee ma’ahan aqoon Dad badan,ayaa qaba doodaas.

Sidoo kale,waxaa jirta maah-maah tiraahda..

“Aqoon lahow igaar Ahow,ayaa ka horraysa”.

Madaxweyne Xasan hogaamintiisa Labaa Een ku ah ( Eex iyo Musuq).

Jibril Qoobey.