Videi:-Ciidamada Dimuqraadiyada Siiriya Oo joojiyay wada shaqayntii la dagaallanks argagixisada

Ciidamada Dimuqraadiyada Siiriya ee gacanta weyn ka gaysatay jabinta Islaamiyiinta xagjirka ah,ayaa joojiyay dhammaan hawlgalladii wadajirka ahaa ee ka hortagida argagixisada.

Go’aanka kasoo baxay Ciidamadan,ayaa ka dhashay dukheymaha uu Turkiga ka geysanayo Aagga ay maamulaan ee gudaha Siiriya.

Ciidamadan oo uu garabsiiyo Maraykanka,ayaa afhayeen u hadlay sidaa ku dhawaaqay.

Qaraxii ka dhacay Istanbuul kadib Turkigu,waxuu xoojiyay weerarada uu ka fuliyo gudaha Siiriya oo uu ku bartilmaameedsanayo kooxaha Kurdiyiinta ah.

Maraykanka,ayaa kaga hor yimid Turkiga hawlgalladan.

Jibril Qoobey.