Madaxweyne Deni Oo magacaabay Xubno Gudiga Sare Ee Garsoorka ka mid noqonaya

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY LABO XUBNOOD OO KA TIRSAN GUDDIGA SARE EE MAAMULKA GARSOORKA.

Garoowe: 06 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 81, 06-da December 2022, Kuna saabsan magacaabid labo xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waayo aragnimadooda Shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Garyaqaan Suleymaan Sheikh Cabdullaahi Maxamuud loo magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.
  2. Waxaa Garyaqaan Cabdiqani Mire Xirsi loo magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.
  3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND