Video:-Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashada Puntland Oo dib loo dhigay

Dib,ayaa loo dhigay Diiwaangelintii Cod bixiyayaasha oo ku astaysnayd 13-ka Bishan.

5-ta Janaayo 2023 ayay isla qaateen Gudiga Doorashada iyo Ururada Siyaasada Puntland.

Waa Qodob kale oo ka mid ah shuruudihii Ururada oo la fuliyay marka laga soo tago dhisidii Maxkamada Dastuuriga ah.

Gudiga Doorashadu,waxuu muujiyay Maanta masuuliyad iyo in uusan ku jirin Jeebka Madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo Ururadu waxyaabihii ay kusoo kala kaceen,waxaa ka mid ahaa dib udhigista Diiwaangelinta.

Puntland waxay utahay wax weyn,iyagoo isgarab taagan oo heshiisku ah Qodob Doorasho in ay wada qabtaan Shir jaraa’id Gudiga Doorashada iyo Ururada Siyaasada.

Inkastoo Dadka qaarkiis ay qabaan in ay ahayd taatiko sumcad loogu abuurayo Gudiga Doorashada soo kala kicii Madaxweynaha iyo Ururada iyo heshiiska Ururada iyo Gudiga.

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.