Kal-fadhigii Golaha Shacabka Oo ubaaqday Kooram la’aan

Kulan maanta lagu waday in ay yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Fadaraalka Somaliya,ayaa baaqday sababo lagu sheegay in kooramkii uu buuxsami waayay.

Kulanka,ayaa looga doodi lahaa sharciyo iyo Mooshin lasoo gaarsiiyay Guddoonka.

Mooshinkaas si rasmi ah looma oga waxa salka uu ku hayo inkastoo wararka qaar sheegayaan in laga keenay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Sacdiyo Salaad.

Khamiistii ayay ahayd markii Golaha Wasiirada Shirkoodii Ra’isalwasaaruhu uga codsaday Wasiirada ah Xildhibaanada in ay tagaan Baarlamaanka oo ay buuxiyaan fadhiyada.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Fadaraalka,ayuu qorshahu ahaa in kulanka baaqday ay Guddoomiyo.

Qaar ka tirsan Xildhibaannada baarlamaanka Fadaraalka,ayaa soo jeediyay in tallaabo laga qaado Xildhibaannada sabab la’aanta uga maqnaada kulamada.