Maalinta Xuquuqul Insaanka Oo lagu qabtay Badhan

Xafiiska Difaaca Xuquuqal Aadanaha Puntland (OPHRD) ayaa maanta magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ku qabtay munaasabad lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo ku beegan Maanta oo Bishu tahsy 10.12.2022.


Munaasabadan waxa ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo,isu-duwayaasha wasaaradaha cadaaladda iyo haweenka,Laamaha Amniga iyo Garsoorka, cuqaal, Ururada Bulshada,Haween,Dhalinyaro, qaybo kamid ah hay’adaha ka howlgala Gobolka iyo Bahda Waxbarshada.

Munaasabadan oo sannad walba la xuso,ayaa Xafiiska difaacaha xuquuqal Aadanaha Puntland sannadka u qorsheeyey in lagu qabto magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.