Madaxweynaha Somaliya iyo Maxamed Bin Salmaan oo kulmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis.

Amiir Maxamed Binu Salmaan,ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Somaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Somaliyed si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Somaliyed.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Sidoo kale, kulanka Labada Hoggaamiye ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Twitter: @TheVillaSomalia