Maraykanka Oo Balaayiin Dolar ugu deeqaya Afrika

Maraykanka,ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaaraysa illaa $55 bilyan oo dollar, Saddexda Sano ee soo socota.

Tallaabadan,ayaa ku soo aadaysa, xilli uu Madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.

Dalka Maraykanka waxaa soo gaaray hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka aadka u ballaadhan oo dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika, waxaana shirkan oo furmaya Salaasadan, la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaadhaysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midowga Afrika.

Inta uu socdo kulanka labada dhinac,ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u eegista xidhiidhka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah, iyada oo loo marayo “in wadahadal laga yeesho, caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan.

Shirkan oo furmaya Salaasada ayaa diiradda lagu saarayaa, “sidii loo ballaadhin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan” ayuuu yidhi sarkaal u hadlay dawladda Maraykanka oo magaciisa qariyey.

Sarkaal kale oo Maraykanka,ayaa isagu sheegay in laga yaabo inay shirka ka soo baxaan goaano iyo hindisayaal waaweyn, ka dib marka uu dhamaado Saddexda maalmood ee la qorsheeyey.