Deni oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyay Ee Puntland oo Qaadka ka Ganacsada

Ciidan wata 8-Gaari oo uu hogaaminayo Nin lagu magacaabo Qoolaali,ayaa heegan ku ah meel udhaxaysa Garowe iyo Taleex.

Ujeedka Ciidankaas loogu diray halkaas,ayaa ah in ay ka hor tagaan Qaad kasoo dega Taleex oo dhanka Dhulka kasoo gala Garowe.

Qaadkii Kenya ka yimaada ee tooska u imaanayay Garowe,waxuu usoo degaa Madaxweyne Deni,waxaana wakiil u ah Wiilkiisa.

Ganacsatadii Qaadka,ayaa uwareegay Taleex,balse Ciidanka Madaxtooyada,ayaa loo diray oo dhawr jeer,ayaa laga gubay Qaadkoodii.

Waa nasiibdarro weyn in Madaxweynihii dhexgalay Ganacsigii hoose oo waliba wax khatar ku ah Bulshada uu Nacfi ka raadinayo.

Sidoo kale Ciidankii Dowlada in ay noqdaan horgalo Qaad waa wax yax-yax ah oo taariikhda geli doona.

Jaadka Garowe yimaada,waxaa loo bixiyay”Daniyaawi”,waana markii ugu horaysay oo Madaxweyne Puntland noqdo ( Qaadwale).

Jibril Qoobey.