Maamulka Tigreega iyo Dowlada Abiy oo wada hadal kale Nayrobi uga furmayo

Wakiilo ka kala socda dhinacyada isku haya Itoobiya- ee Dowladda Federaalka iyo Xoogaga Tigreega ee ayaa ku shiraya caasimadda Kenya ee Nairobi si ay uga wadahadlaan dhaqangelinta heshiiskii bishii hore lagu soo afjaray dagaal sokeeye oo laba sano socday.

Kulanka,ayaa la filayaa in uu u gogol xaaro u noqdo in Midowga Afrika uu si dhaw ula socdo qodobbada heshiiska- oo ay ku jiraan in la qaado xayiraadaha lana dardar galiyo dadaallada gargaarka bina’aadanimada iyo Hub ka dhigista Ciidamada Tigreega.

Tobanaan Kun oo Qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay dagaalka halka Malaayiin Qof ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah.