Maxaad ka og tahay Shuruudaha Shabaab hor dhigay Dowlada Fadaraalka?

Wada xaajood,ayaa ufurmay Shabaab iyo Dowlada Fadaraalka,sida ay xaqiijinayaan Diblomaasiyiin sare.

Ganacsato kasoo jeeda Beesha Abgaal,ayaa ka shaqeeyay dhexdhexaadin ka dhacday Xamar Xarunta Nisa.

Shabaab way aqbaleen wada hadal iyo in ay ugu danbayn Hubka dhigaan oo kusoo biiraan Dowlada.

Laba Sharuudood ayay miiska soo saareen kuwaasoo kala ah…

1.In Wasaarada Amniga iyo Wasaarad kale la siiyo.

2.In Dowlad Goboleedyada laga siiyo Jubaland oo ay qayb ka noqdaan hanaanka doorashadeeda ayna soo diyaarinayaan Qof hogaamiya.

Arinka Jubaland markii falanqayntiisa lasii guda galay waxay ku doodeen in Shacabku iyaga taabacsan yahay,isla markaana ay isku hayn karaan Bulshadaas soona afjari karaan khilaafaadyada ka jira.

Wada hadalkan waa bilow welina layslama gaarin heshiis rasmi ah,sida ay xaqiijinayaan Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo.

Jibril Qoobey.