Faallo:-Maxay ka dhigan yihiin go’aamada kasoo baxay Puntland?

Puntland waa Somaliya,Somaliya waa Puntland.

Yaan ka go’naa oo naga Somalisan,naga soo jireensan?

Hooyada,iyadaa laga farcamaa ee iyadu farac ma noqoto.

Puntland weligeed kama tanaasulayso Jamhuuriyada Somali midaysa xataa hadii Xamar ka tagto.

Go’aamada soo baxay waa fasirid Dastuurada Puntland iyo Fadaraalka iyo doorka PL ee Dowlad dhiska Somaliya.

Hal Qodob,ayaa ku jira oo ay tahay in ay fahmaan Bulshada Puntland iyo mida guud ee Somaliya kaasoo ah..

Khalad Siyaasi oo caadifada Somali jacaylku na dhaafisay,ayaa waxaa ahaa in aan ku milano Bartamaha iyo Koonfurta Dalka.

B.Isku waaqici manihin.
T.Isku heer Nololeed ma nihin.
J.Isku heer maamul ma nihin.
X.Isku heer fahan nidaam ma nihin.

Anagoo ka duulayna dib udhiska Dowladnimo Somaliyed iyo hirgelinta Fadaraalisimka,ayaan ka tanaasulnay awoodo aan haysanay oo ay ugu horaysay waxqaybsigii Somaliya ee ahaa PL,SL iyo Bartamaha-Koonfurta.

Haatan go’aamadan waxay soo celinayaan maqaamkaas,waxaana dib wax iskaga waydiinaynaa Jamhuuriyada aan rabno in ay nawada matasho see u ekaanaysaa..

B.Ma Fadaraalka PL rabtaa?
T.Ma kala Madax banaanida SL rabtaa?
J.Ma Dowlada Dhexe ee Xamar laga rabaa?
X.Ma Konfedereshin baa?

Somaliyada hada aan haysano waxay ka kooban tahay PL,SL, iyo Bartamaha-Koonfurta sidaasaan wax walba ku qaybsanaynaa kuna wada xaajoonaynaa oo Dowladnimada kuwada dhisanaynaa.

Tusaale”

Hargaysa ha qaadato Ra’isalwasaaraha.
Garowe ha qaadato Madaxweynaha.
Xamar ha qaadato Caasimada.

Ama.

Caasimadu wareegto ha noqoto.

Madaxweynuhu wareegto ha noqdo.

Waxaa la joogaa wakhtigii aan fariisin lahayn mustaqbalka nidaamkeenu suu noqonayo.

Jibril Qoobey.