Dagaalka Shabaab Ee Villa Somaliya waa mid laab lakac ah oo caadifaysan Beeleed ah

Dagaalka Shabaab,waxuu umuuqdaa mid laab lakac ah oo caadifaysan salkiisuna yahay Qabiil.

Ilaa iyo hada Ciidan Shabaab laga laayay oo la taaban karo majiraan markii laga reebo kuwa Diyaaradaha Maraykanku garaacaan.

Xarardheere Hal Maleeshiyo loogama dilin Shabaab oo Ciidankoodii iyo Qalabkiiba waa kala baxeen.

Waxay galeen Deegaamada Miyiga ah,iyagoo bilaabay dagaallo Guri la’ah,Qaraxyo ay la beegsanayaan Saraakiisha iyo hanjabaadyo Ganacsatada Dowlada la shaqaysa.

Sida muuqata hadaan la helin qorshe Qaran oo laga baaraandagay lagama adkaan doono argagixisada Shabaab.

Culayska ugu weyn,waxuu Dowlada kasoo fuulayaa Magaalooyinka ay ka baxaan Shabaab sidii loo sii hayn lahaa oo loogu heli lahaa Ciidan ku filan oo si joogta ah uheli kara Saadkooda iyo Mushahaar ay ugu samraan furimaha.

Madaxweyne Xasan 10-sano kadib oo uu Siyaasada ku jiray,waxaa ka muuqata fudayd Siyaasadeed,caadifad Beeleed oo hoose.

Jibril Qoobey.