Faafaahinta weerarkii hoobiyayaasha Ee lagu qaaday Villa Somaliya

Faafaahin dheeraad ah,ayaa ka soo baxaya weerrar loo adeegsaday Madaafiic hoobiyayaal ah oo maanta lagu qaaday xarunta Madaxtooyada iyo agagaaraheeda ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan Shan Qof oo rayid ah,ayaa la sheegay inay ku dhawaacmeen madaafiicdaasi oo uu ku jiro canug yar oo shan sanno jir ah. Dadka qaar ayaa sheegay in qaraxyada ay maqleen ay gaarayeen illaa todoba Madfac oo aaggaasi ku soo dhacay.

Dadka Deegaanka,ayaa sheegaya in Madaafiicda qaar ay ku dhaceen Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) kaas oo ku yaal xayndaabka xarunta madaxtooyada Villa Somaliya.

Qaar kale ay ku dhaceen Guri u hore u deganaan jiray isla Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka oo aan ka fogayn guriga uu deggan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre,iyadoo qaar kalana ay ku dhaceen xaafaddaga ka ag-dhaw Madaxtooyada.