Majiro wax la yiraahdo Shir Culumo Somaliyed oo Xamar ka furmay ama kusoo xirmay.

Gudoonka Culumada Somaliyed,waxuu la mid yahay…

1.Xiriirka Kubada Somaliyed.
2.Gudoonka dhaliinyarada Somaliyed.
3.Gudoonka Dhaqaatiirta Somaliyed.
4.Gudoonka Ganacsiga Somaliyed.
5.Gudoonka Haweenka Somaliyed.

Dhamaantood waa waxba kama jiraan loo samaystay in Lacag looga cuno Safaaradaha Xalane degan..

Waa og yihiin Safaaraduhu waana la socdaan in ay yihiin wax Muqdisho ku kooban.

Safaaradaha Xalane ku yaal iskabadaa Magacyadaas Mashruucyada looga cunee,Madaxweynaha Somaliya waxay u arkaan mid aan awood badan lahayn oo kalsooni,doorasho shacab,awood qaybsi federaal iyo Xisbiyo heer federaal ah aan ku imaan,isla markaana aysan talada dalka Somaliya Gacanta ugu wada jirin oo Teendhada Xalane ee lagu doortay ku kooban.

Shiikh Soomoow iyo Cali Wajiis Qolooyin ay kala hogaaminayaan,ayaa isku dayaya in ay Indho sarcaad ku maraan Safaaradaha Xalane.

Majiro wax la yiraahdo Shir Culumo Somaliyed oo Xamar ka furmay ama kusoo xirmay.

Jibril Qoobey.