Blinken oo booqanaya Israa’iil iyo Falastiin xili rabshado xoogan ay ka socdaan

Blinken, oo Isniinta iyo Talaadada u safri doona Quddus iyo Ramallah.

Booqashadan,ayaa mudo la qorshaynayay,waxuuna kula kulmayaa Dowladda Israel ee dhinaca midigta fog u janjeerta.

Socdaalka Blinken,waxaa hareeyay markii ay dhaceen mid ka mid rabshadihii ugu xumaa muddo sanada ah.

Nin hubeysan oo Falastiini ah,ayaa Jimcihii Toddobo Qof ku dilay bannaanka macbad ku yaalla xaafad la deegaameeyey oo dhacda bariga Quddus, iyadoo weerar kalana uu dhacay Sabtidii.

Khamiistiina,Sagaal Qof,ayaa lagu dilay weerar ay Ciidammada Israa’iil ku qaadeen Xerada Qaxootiga Jenin ee Daanta Galbeed, taasi oo ka mid ah hawlgalladii ugu khasaaraha badnaa ee noocan oo kale ah muddo sannado ah.

Israa’iil,ayaa sheegtay in ay beegsatay dagaalyahannada kooxda Islaamik Jihaad, iyadoo markaa ka dibna duqeysay marinka Gaza ee ay Xamaas maamusho, taasi oo jawaab u ahayd Gantaallo laga soo tuuray.

Blinken,ayaa la kulmi doona Ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabbaas.