Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan Kismaayo

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Waa safarkiisii ugu horreeyay ee Kismaayo uu ku tagayo tan iyo markii la doortay mar labaad.

Socdaalka Madaxweyne Xasan ayaa la xiriira kulamo siyaasadeed oo uu la yeelanayo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan. Labada dhinac ayaa diirada saari doono doorashooyinka Jubbaland iyo arrimaha gobalka Gedo oo sanadadii lasoo dhaafay ka maqan gacanta maamulka Axmed Madoobe.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiriir wanaagsan la leh Axmed Madoobe, tan iyo markii dib loogu doortay Madaxweynaha dalka, 15kii May, 2022.