Wasiirka Arimaha gudaha Puntland oo qaabilay Madaxa UNDP Ee Somaliya

Garowe, March 06, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa xafiiskiisa Garowe ku qaabilay Wakiilka hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Soomaaliya Mr: Jocelyn Mason iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee hay’adda UNDP iyo Puntland, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland ka qaybgalka Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sa gootiyey madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason oo uu dhammaaday xiligiisi shaqo ee Somaliya wuxuuna uga mahadceliyey shaqooyinka wanaagsanaa ee UNDP ka qabatay guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.