Maxay kawada hadleen Puntland iyo Beesha Caalamka?

Kulankii BC iyo Puntland,waxuu kusoo idlaaday isfahan buuxa.

Waxuu ahaa kulan hordhac ah oo laysku xog waraysanayay,si gaar ah PL ay ku gudbinaysay halka ay ka taagan tahay khilaafka jira.

Arimaha la dul istaagay,ayaa kala ah…

1.Dayn cafinta.
2.Dimuqraadiyaynta.
3.Dagaalka argagixisada.
4.Dagaalka LC.
5.Mashaariicda horumarineed.

Kulankan hordhaca,waxuu gogol xaar unoqday kulan weyne ka balaaran oo ka dhici doona Garowe oo ay ku kulmi doonaan BC iyo Puntland markale.

Dowlada Puntland,ayaa shaacin doonta xiliga kulankaasi qabsoomayo.

Dhankeeda Beesha caalamku waxay ku boorisay guud ahaan Somalida in aan lakala tagin oo lasii wado Geedi socodka dhismaha Dowladnimada Somaliya.

Si gaar ah BC waxay ku dhiirigelisay Puntland in doorkeeda hogaamineed ee Dowlad dhiska Somaliya ay sii wado.

 

Jibril Qoobey.