Maraykanka oo Muuse Biixi amar ku siiyay in uu kasoo baxo Laascaanood

Fariin cad,ayaa la taabsiiyay Muuse Biixi.

“In uu Ciidamadiisa ka saaro Laascaanood,sameeyana qorshe uu ku qabanayo doorashada Madaxweynaha Somaliland”

Maraykanku si aan leex leexad lahayn,ayuu ula hadlay Muuse,waxaana fariinta gaarsiiyay Safiirka Maraykanka ee Somaliya.

Warka Safaarada,ayaa kusoo gunaanadmay in laga sugayo fulinta Labadaas qodob.

Waa amar cad oo la dul dhigay oo ay tahay in uu fuliyo ee mahan talo uu iska diidi karo.

Maraykanku waa Dalka ugu saamsynta Siyaasada,dhaqaalaha iyo Amniga Somaliya.

Waa Nabar xun oo Dhabarka uga dhacay Muuse Biixi warkan.

 

Halkan ka akhriso:-