Video:-Abiy oo ku dhawaaqay in uu hor fariisanayo Jamhada Ole

“Dawladdu waxay danaynaysaa in khilaafka (OLA) lagu xalliyo hab nabadeed. Dan kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaa la dhisay guddi loo xil saaray inay hormuud ka noqdaan geeddi-socodka nabadda, in ka badan 10 isku day iyo xiriir ayaa lala sameeyay (OLA).”Ayuu yiri Abiy, isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in Itoobiyaanku ay taageeraan geeddi-socodka nabadda.

Afhayeen u hadlay jabhadda oo la yiraahdo Odaa Tarbii,ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in hadalka ra’iisul wasaaraha uu yahay mid yimid wakhti aan munaasib aheyn oo xaqiiqada aan waafaqsanayn,waxaana uu intaas ku daray in 10-ka isku day ee uu soo hadal qaaday aysan ahayn isku dayo dhab ah oo uu kula xiriiray hoggaanka OLA.”,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka