Bishan Bartankeeda oo lagu wado in kulan ku dhexmaro Jabuti isbahaysiga Geelle Odayga uyahay

Xasan Shiikh,Geelle,Muuse iyo Cabdikariin,ayaa Bishan bartankeeda iskugu imaanaya Shir ka dhici doona Jabuti.

Magaca Shirka,waxaa la yiraahdaa Somaliya iyo Somaliland wada xaajoodkooda,waxaase lagu qarinayaa qorshaha qarsoon ee kooxdan ay abaabulayso.

Geelle,waxuu rabaa in uu isku muujiyo Oday Somaliyed oo is hor fariisinaya dhinacyada Somalida,isagoo hadana ah Bud-dhigaha qorshaha Irirsimka.

Xasan,waxuu aad uraadinayaa in uu noqdo Madaxweynihii Somaliyed ee xaliyay arinka Hargaysa,isagoo hadana qayb ka ah qorshaha Iririsimka ee lagula dirirayo qayb ka mid ah Ummadda Somaliyed.

Muuse,waxuu baadigoobayaa badbaadin Siyaasadeed,waana ufursad kulanka Jabuti,isagoo isku muujinaya Madaxweynaha SL-ta Xasuuqa kawada LC ay hoos timaado.

Cabdikariin,waxay utahay fursad uu ku muujinayo in uu yahay Ergayga waxa loogu yeero wada hadallada SL iyo Somaliya,isagoo hadana ogsoon in shaqadiisu tahay caawinta danaha Hargaysa.

Isku soo wada duuboo Ragan,iyagoo wada leh hadaf Siyaasadeed oo mideeya ayay hadana rabaan in ay wada isticmaalaan maqaamyo kala dhaxeeya Umadaha ay weerarka ku yihiin.

Jibril Qoobey.