Video:-Madaxweyne Deni oo Kumanaan Qof kula hadlay Galkacyo

Gaalkacyo: 09 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Galabta Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale Stadium kaga qeybgalay isu soo baxa Urur Siyaasadeedka KAAH, halkaasi oo ay Garoonka soo Buux dhaafiyeen kumanaan ka mid ah dadweynaha Gaalkacyo.

Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Ururka KAAH, ayaa ka mahadceliyay Cududa taageero ee Bulshadu usoo bandhigtay iyo sida Bulshada Gobolka Mudug u yihiin dad u taagan Illaalinta Dowladnimada iyo ka qeybgalka Dimuqraadiyadda, isagoo ka codsaday Bulshada in ay doortaan Xildhibaanada Ururka KAAH ugu sharaxan Golaha deegaanka ee Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa uga digay Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay ku hayso Puntland, kaa gaar ahaan Dimuqraadiyadda hirgashay, wuxuuna sheegay jawaabta koowaad in ay noqonayso Shacabka oo codeeya 25 May 2023.

Kumanaanka qof ee isugu yimi maanta Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale Stadium, ayaa muujiyey taageerada Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Hoggaaminta Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu noqday banbax taariikhi ah oo saameeyay Dalka oo dhan .

DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.