Maxay yihiin Qodobada horyaala Shirka G-7?

Hogaamiyaasha Todobada Wadan ee ugu awooda badan Dhaqaalaha iyo Dimuquraadiyada caalamka ee G-7,ayaa kulmaya.

Hiroshima oo ah meesha uu ka dhacay weerarkii ugu horeeyay ee Atomiga dhamaadkii dagaalkii Labaad ee Aduunka,ayay Todobaad dhamaadkan isugu imaanayaan.

Shirkan,ayaa lagu casumay hogaamiyayaasha Ukrain iyo South Korea oo xulufo weyn la ah Maraykanka.

Arimaha ay diirada saarayaan hogaamiyayaasha G-7,ayaa kala ah..

1.Cunaqabatayno dhaqaale oo dheeriya sidii Ruushka loo saari lahaa.

2.Taageero Milleteri,mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed sidii loo siin lahaa Ukraine.

3.Diirad saarida hanjabaadaha Shiinaha ee ka dhanka ah Taiwan.

G-7 oo ka kooban Wadadamada Canada,France,Germany, Italy,Japan,United Kingdom iyo United States.