Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Munira Khalif oo loo doortay inay noqoto qofka dhallinyarada ah ee sannadkan Mareykanka korjooge ahaan u metalaya Barnaamijka horumarinta dhalinyarada ee QM qeybta Mareykanka.
    Somalia

    Munira Khalif oo loo doortay inay noqoto qofka dhallinyarada ah ee sannadkan Mareykanka korjooge ahaan u metalaya Barnaamijka horumarinta dhalinyarada ee QM qeybta Mareykanka.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda Arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faah faahiyaya waxyaabaha loo doortay gabadhaasi Soomaaliyeed oo ay ka guuleysatay tartamayaal badan.

     Waxaa lagu sheegey qoraalkan  in Munira Khalif oo ah Gabar Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Mareykanaka ay ku guuleysatay in ay xil ka qabato hay’adda Q. M. u qaabilsan Barnaamijka Youth Observer to United Nations oo ah horumarinta dhalinyarada ee UNA_USA oo la aas aasy sanadkii 2012kii si Dhalinyaradu ay uga qeybgalaan arrimaha Caalamiga ah.

    Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa  iyadoo la kaashaneysa Ururka Hay’addan Qaramada Midoobay qaybteeda Mareykanka ku faraxsan shaaca ka qaadista  in Munira Khalif oo loo doortay inay noqoto qofka dhallinyarada ah ee sannadkan Mareykanka korjooge ahaan u metalaya Barnaamijka horumarinta dhalinyarada ee QM qeybta Mareykanka.

    Munira Khalif oo ah gabar Soomaaliyeed oo reer Minnesota ah waxaa laga soo dhex xushay tartamayaal aad u badan kuwaasi oo kor u dhaafayaa ilaa 300 boqol oo qof waxayna ka kala socodeen Jaamacadaha kuyaala dalkaasi Mareykanak.

    Munira waxay Jaamacadda Harvard ka barataa maadooyinka dhaqaalaha iyo maamulka dawladda,Waxay hore u aasaastay urur ka shaqeeya sidii gabdhaha Bariga Afrika u heli lahaayeen waxbarasho loo siman yahay.

    Sidoo kale waxay si weyn Hay’adda Qaramada Midoobay uga ololeysay arrimaha dumarka iyo gabdhaha iyo in dhallinyarada la siiyo door xooggan oo ay uga qaybqaataan danaha guud.

    Waxay ka geybgalaysaa Muniiro shirka 72aad ee Hay’adda UNA-USA oo magalaaad Newyorka ka dhacaya bishai September ee soo socota,ayadoo matalaysa Dhalinyarada Mareyakanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.