Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Nin xagjir ah oo weerar ka gaystay dalka Jarmalka
    Somalia

    Video:-Nin xagjir ah oo weerar ka gaystay dalka Jarmalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 29, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ninka qofka ku dilay toorayda lixda kalena ku dhaawacay tukaanka ku yaal magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa boolisku sheegeen in uu ahaa “Islaami xag jir ah”.

    “Wuxu ahaa nin Islaami xag jir ah laakiin jihaadka uma heellanayn” ayuu yidhi af-hayeenka booliska Andy Grote, waxaanu farta ku fiiqay in ninkan weerarka qaaday uu qabay “xanuunnada nafsaaniga ah”.

    Ninkan weerarka qaaday ayaa la sheegay in loo diiday magangelyadii uu dalbaday, waxaanu u dhashay dalka Imaaradka Carabta. Jimcihii ayaanu dad macmiila oo tukaankaa wax ka iibsanayey la dhex qaaday toorray.

    Boolisku waxay sheegeen in uu falkaa keli ku haa oo markii dambena ay dad shacaba oo goobta joogay iskugu tageen oo qabteen.

    Waa 26 jir waxaanu qabay xanuunnada maskaxda ku dhaca sida ay saraakiil shir jaraa’id ka hadashay sheegeen.

    Boolisku waxay ammaaneen saddexda nin ee ku dhiiraday ninkaas toorrayda sitay in ay qabtaan oo ay ku sheegeen geesiyaal. Dad goob joog ahaa ayaa iyaguna sheegay in dadkii shacabka ahaa ee goobta joogay qaarkood Af-Carabi kula hadleen oo iyagoo qaylinaya ninka ku lahaayeen midida dhig.

    Haweeney 50 jir ah iyo afar nin oo da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 64 ayaa uu toorrida la dhacay, nink kale oo 35 jir ahna isagoo qof dhaawacmay qaad is leh ayuu isagan dhaawacay ninka dadka weeraray,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.