Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo kormeeray dhismaha garoonka diyaaradaha garowe
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo kormeeray dhismaha garoonka diyaaradaha garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

     

    Madaxwyenaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 July 2017 soo kormeeray gigida diyaaradaha Garoowe oo dhismihiisu gebogebo marayo.

    Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweynaha  ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee Dawlada Puntland iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin isugu jirey Wasiirro iyo xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweyanaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxweynuhu dul istaagay qiimeeyeyna  meel kasta oo shaqo ka socotey garoonka dhexdiisa, waxaana uu Madaxweynuhu ka xogwaraystay shaqaalaha ka shaqaynaayey dhismaha garoonka sida ay shaqadu u socoto.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku amaanay masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee dawladda Puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqada loo igmaday, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in tayo ahan iyo bilic ahaanba garoonka loo hirgeliyey sidii qorshuhu ahaa.

    Dhinaca kale madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey in dhismaha garoonku marayo wejigii ugu danbeeyey, isla mar’ahaantaana lasoo afmeeri doono inta hadhay wakhti aan fogeyn Insha Alla.

    Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe oo ay ugu horeeyaan madaxda Wasaaraddu  inay markasta xasuusnadaan in dhismahani muhiimad gaara u leeyahay kaabayaasha horumarineed ee dawladda Puntland, madaama uu ka qayb qaadanayo horumarka, bilicda, isku xidhka Puntland iyo caalamka intiisa kale, isla markaana u kaalin weyn ka qaadan doono ilaha dhaqaale ee dalka,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/ALhDdTDLc_Q

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.