Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad ka taqaan Jeneraalka hogaamiya Ciidamada TPLF?
    Somalia

    Maxaad ka taqaan Jeneraalka hogaamiya Ciidamada TPLF?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 11, 2021No Comments6 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kaddib gacan bidxeeyntii soo martay iyo in uu ka fariistay hawshii ciidannimada tobanaan sano oo uu hoggaaminayay ciidamada Itoobiya kaddib, janaraal Tsadkan Gebre-Tensae marnaba ma uusan fileyn in uu markale xiran doono tuutahiisa.

    Basle markii uu dagaalku ka qarxay gobolka Tigreeda, ayuu dib u soo laabtay Tsadkan oo khabiir ku ah qorshaha iyo xeeladaha milateriga, isaga oo diyaar u ah in uu la dagaallamo ciidankii uu mar hoggaamin jiray.

    Dad badan oo falanqeeya arrimaha dalkaasi Itoobiya ayaysan shaki kaga jirin in Tsadkan oo ah nin bidaar leh isla markaana shaarubihiisa dhaadheer iyo wajigiisu ay yaqaaniin dad badan oo reer Itoobiya ah uu yahay ninka leh mas’uuliyadda guulaha iyo horumarka ay dagaalladu ka gaarayeen xoogagga fallaagada TPLF tan iyo bishii Juun ee sanadkan.

    30 sano ka hor sanadkii 1991-kii, Tsadkan waxa uu hoggaaminayay duulaankii TPLF ay ku qabsatay magaalada Addis Ababa, iyada oo markaa qayb ka ahayd isbahaysigii xukunka ka tuuray taliskii Mengistu Hailemariam.

    Intaa kaddib waxa uu noqday taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya muddo toban sano ah, wuxuuna hoggaaminayay ciidamada intii uu socday dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee uu waddankaasi la galay dalka Eritrea intii u dhaxeysay sanaddadii 1998 ilaa 2000.

    Haseyeeshee isaga ayaa hadda go’aansaday in uu dib ugu soo laabto furimaha dagaalka, isaga oo da’diisu tahay 60-meeyo.

    “Ninkani waa nin aad u wanaagsan, oo awooday in uu raaxo ugu noolaado meesha uu doonaba,” ayuu yiri Awet Weldemichael, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha ammaanka ee Geeska Afrika, kana tirsan jaamacadda Queen ee dalka Canada.

    “Xaqiiqada ah in uu go’aansaday in uu wajaho oo uu ka hortago duulaanka xooggan oo uu garab istaago dadkiisa ayaa ah mid sharaf u ah.”

    • ‘Nin u tababaran shaqadiisa’ –
      Tsadkan wuxuu ka dhashay qoys beeraley ah, ma jirto cid saadaalinaysay in mustaqbalkiisu uu ku dambeyn doono milatarinimo.

    Balse wax yar kaddib markii la aasaasay ururka TPLF sanadkii 1975-kii, si uu ugu doodo xuquuqda dadka qowmiyadda Tigreeda, ayuu ka tagay cilmigiisii sayniska ee uu ka baranayay Jaamacadda Addis Ababa, si uu ugu biiro dhaqdhaqaaqa TPLF.

    oraallada dheeriga ah ee cookies-ka
    Waxaan isticmaaleynaa lifaaq cookies si aad nooga heshid khibradda ugu wanaagsan ee adeegsiga intarnet-ka. Fadlan aan ogaano haddii aad ogolaatay dhammaan cookies-kan.

    Haa, waan ogolaaday
    Maya, igee settings-ka
    BBC News, Somali
    U gudub qaybta macluumaadka
    Qaybaha
    WarGanacsiCayaarahaMuuqaalBarnaamijyada IdaacaddaBarnaamijka Baafinta
    XAYEYSIIN

    Maxaad ka ogtahay janaraalka bidaarta leh ee TPLF u dejiyo kaartada dagaalka
    4 Saacadood ka hor
    bbcXIGASHADA SAWIRKA,TSADKAN GEBRE-TENSAE
    Kaddib gacan bidxeeyntii soo martay iyo in uu ka fariistay hawshii ciidannimada tobanaan sano oo uu hoggaaminayay ciidamada Itoobiya kaddib, janaraal Tsadkan Gebre-Tensae marnaba ma uusan fileyn in uu markale xiran doono tuutahiisa.

    Basle markii uu dagaalku ka qarxay gobolka Tigreeda, ayuu dib u soo laabtay Tsadkan oo khabiir ku ah qorshaha iyo xeeladaha milateriga, isaga oo diyaar u ah in uu la dagaallamo ciidankii uu mar hoggaamin jiray.

    Dad badan oo falanqeeya arrimaha dalkaasi Itoobiya ayaysan shaki kaga jirin in Tsadkan oo ah nin bidaar leh isla markaana shaarubihiisa dhaadheer iyo wajigiisu ay yaqaaniin dad badan oo reer Itoobiya ah uu yahay ninka leh mas’uuliyadda guulaha iyo horumarka ay dagaalladu ka gaarayeen xoogagga fallaagada TPLF tan iyo bishii Juun ee sanadkan.

    30 sano ka hor sanadkii 1991-kii, Tsadkan waxa uu hoggaaminayay duulaankii TPLF ay ku qabsatay magaalada Addis Ababa, iyada oo markaa qayb ka ahayd isbahaysigii xukunka ka tuuray taliskii Mengistu Hailemariam.

    Intaa kaddib waxa uu noqday taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya muddo toban sano ah, wuxuuna hoggaaminayay ciidamada intii uu socday dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee uu waddankaasi la galay dalka Eritrea intii u dhaxeysay sanaddadii 1998 ilaa 2000.

    Haseyeeshee isaga ayaa hadda go’aansaday in uu dib ugu soo laabto furimaha dagaalka, isaga oo da’diisu tahay 60-meeyo.

    “Ninkani waa nin aad u wanaagsan, oo awooday in uu raaxo ugu noolaado meesha uu doonaba,” ayuu yiri Awet Weldemichael, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha ammaanka ee Geeska Afrika, kana tirsan jaamacadda Queen ee dalka Canada.

    “Xaqiiqada ah in uu go’aansaday in uu wajaho oo uu ka hortago duulaanka xooggan oo uu garab istaago dadkiisa ayaa ah mid sharaf u ah.”

    ‘Nin u tababaran shaqadiisa’

    Tsadkan wuxuu ka dhashay qoys beeraley ah, ma jirto cid saadaalinaysay in mustaqbalkiisu uu ku dambeyn doono milatarinimo.

    Balse wax yar kaddib markii la aasaasay ururka TPLF sanadkii 1975-kii, si uu ugu doodo xuquuqda dadka qowmiyadda Tigreeda, ayuu ka tagay cilmigiisii sayniska ee uu ka baranayay Jaamacadda Addis Ababa, si uu ugu biiro dhaqdhaqaaqa TPLF.

    “Milatari ahaan, waa nin loo tababaray shaqadiisa, wuxuuna gaaray darajadii ugu sarreysay,” ayuu yiri Rene Lefort, oo ah taariikhyahan ku takhasusay dalka Itoobiya.

    “Waa nin deggan oo aan weligii codkiisa kor u qaadin,” ayuu yiri Lefort, oo dhawr jeer ooh ore la kulmay Tsadkan.

    Kaddib markii uu dhacay xukunkii Mengistu, Tsadkan waxaa loo dhiibay hoggaanka ciidamada Itoobiya, wuxuuna ku sameeyay isbaddal weyn, sida uu sheegaya Gerard Prunier, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dalkaasi Itoobiya.

    Wuxuu ka dhigay ciidam u qalmo ciidamada reer Galbeedka. Isbaddal weyn ayuu ku sameeyay, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray qorista ciidamada iyo tababarkooduba,” ayuu yiri Prunier, oo aqoon ka badan muddo 20 sano u leh Tsadkan.

    Ciidamadii uu dhisay isla markaana uu hogaaminayay Tsadkan iyo guud ahaan dowladda oo dhan ayaa waxaa ku badnaa dadka qowmiyaddiisa Tigreeda, arrintaasi oo markii dambe galaafatay xukunkii TPLF.

    Haseyeeshee nasiib-darro, intii uu socday dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea ayuu Tsadkan wuxuu noqday mid xiddigiisa uu sii dhacayo, gaar ahaanna markii uu amar ku bixiyay in ciidamadu ay qabsadaan dhul ku yaal gudaha Eritrea, arrintaa oo aad uga careysiisay ra’iisalwasaarihii xilligaasi ee Meles Zenawi.

    Arrintaasi ayaa keentay in Meles Zenawi uu sanadkii 2001-dii shaqada ka eryo, wuxuu Tsadkan dib ugu noqday noloshii rayidka kaddib 36 sano oo uu ciidan

    “Noolashii rayidka “

    Tsadkan wuxuu noqday ganacsade, wuxuuna gobolkiisa Tigray ka billaabay shirkad ka ganacsato khamriga iyo wax soo saarka beeraha. Waxaa uu sidoo kale ka mid noqday madaxda shirkado waaweyn sida baanka Lion ee dalkaasi Itoobiya.

    Waxa uu lataliye dhanka milatariga u soo noqday dowladda cusub ee Suudaanta Koonfureed, wuxuuna shahaadada labaad ee culuunta siyaasadda caalamiga ahi ka qaatay jaamacadda George Washington ee dalka Mareykanka.

    Sanadkii 2019-kii, waxa laga codsaday in uu dhexdhexaadiyo xiriirka sii xumaanayay ee ra’iisalwasaare Abiy Axmad iyo hoggaanka TPLF oo ka careysnaa tallaabooyinka ra’iisalwasaaruhu uu qaaday tan iyo 2018-dii, kuwaasi oo uu xilka kaga xayuubinayay madaxda sarsare ee TPLF.

    Dedaalladaasi iyo dhexdhexaadintaasi marnaba ma aysan miro dhalin.

    “Saddex jeer ayaan la kulmay Abiy Axmad… balse waa ay iska caddeyd in uusan dooneyn in khilaafkaasi lagu dhammeeyo si nabdoon,” ayuu yiri Tsadkan oo bishii Juun wareysi siinayay telefishinka Tigreeda.

    Tsadkan waxaa u caddaatay in dagaalku uu yahay lamahuraan oo aan marnaba laga baaqsan doonin, sidaa awgeedna wuxuu sanadkii la soo dhaafay u wareegay dhanka magaalada Maqalle ee xarunta TPLF.

    -“Xeeladda dib-u-gurashada”

    Markii ra’iisalwasaare Abiy uu ciidamada federaalka u diray gobolka Tigreeda bishii Nofeembar 2020, tallaabadaasi oo uu sheegay in ay jawaab u tahay weerarradii TPLF ay ku qaadeen xeryaha ciidamada,,ayaa Ciidamada TPLF waxay galeen dhulka buuraleyda ahi, waxaana markiiba dowladdu ay ku dhawaaqday guul.

    “Mabda’a koowaad ee kooxda TPLF ayaa ah in aanay waligood galin dagaal aysan ku guulaysan karin”, ayuu yiri taariikhyahan Lefort, wuxuuna sheegay in kaartada kooxdani ay ahayd in ay dib u gurtaan, dib isu soo abaabulaan, ugu danbayna ay dib u qabsadaan dhulkii laga qabsaday.

    Xigasho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    June 29, 2025

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025
    Latest Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.