Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cilmi-baadhista iyo hay’adaha sirdoonka Q.8aad.
    Somalia

    Cilmi-baadhista iyo hay’adaha sirdoonka Q.8aad.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 12, 2021Updated:December 12, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taxanaha Sirdoon Iyo Ammaan”

    Cilmi-baaristu waa meelaha lacagaha ugu badan ay ku bixiyaan hay’adaha sirdoonku.

    Horumarka dal ee beero, warshado, dhaqaale, aqoon iyo siyaasaddeed ba waxa bud-dhig u ah cilmibaadhista.

    Xarumaha cilmibaariseed waa goobaha lagu maareeyo mashaakilaadka ummaddaha.

    Baraarugga lagu baraarugay waxtarka cilmibaarista waxaa marag ka ah sida kharashaadka maal-gelinta loogu sameeyaa ukobceen.

    Muddo toban sanno ah 170% ayuu kordhay isaga oo ka dhaqaaqay $674 billion illaa 1.8 trillion.

    Kororkaasina wuxuu dhacay intii u dhexeysay Sannaddii 2000-2010.

    Sannadkii 1960 wadarta guud ee kharashka cilmibaarista ku baxa haddii boqollay loo beddelo wuxuu ahaa sidan;

    69% Maraykan

    31% Dowladaha kale.

    Sannadkii 2016

    72% Dawladaha kale

    28% Maraykan.

    Shaxankan sare waxa aan ka daalacan karnaa dadaalka Maraykan ee dunida hoggaankeeda ku hantay waxa horseed u ahaa cilmibaarista, imikana dalal badan ayaa dadaal cilmibaadhiseed ka socdaa oo aan ugu horreysiin karno Chine. Waana suurto gal in ay hoggaanka dunida la wareegto hadba ciddii cilmiga ahmiyadda ugu weyn siisa.

    Shaxankan hoose ka eeg sannaddii 2016 tobankii dal ee kharashaadkii ugu badnaa ku bixiyay cilmibaadhista.

    1. USA : $511.1 billion
    2. Chine: $451.2 billion
    3. Japan:$168.6 billion
    4. Germany: $ 118.5 billion
    5. South Korea: $ 79.4
    6. France: $62.2 billion
    7. United kingdom: $47.2 billion
    8. Rusia : $ 39.9 billion
    9. Tiawan: $35.8 billion

    Source; CRS, analysis of Orginazition for economicic development and cooperation.

    Cimibaadhisaha Sirdoonnadu sameeyaan kuwa ugu waaweyn ee aan hogo-tusaalaha u soo qaadan karno waxa ka mid ah:

    -Cilmibaadhistii Hay’adda Sirdoonka Ee CIA samaysay ee ay ugu magac dartay MIND CONTROL waa cilmibaadhis nuxurkii qoraal ee ka soo baxay uu noqday Siddeed iyo toban kun (18.000) bog.

    Qofkii raba in uu wax badan ka ogaado arrintaa keliya ha baaro CIA MIND CONTROL halkaas ayaad xogo badan oo faahfaahsan ka helaysaan.

    – Arrimaha daraasaadka ee wax lagaga ogaanayo habka maskaxda Aadamuhu u shaqayso waxa si weyn loogu baraarugay 1924 markaas oo Ruushka iyo Juguslafaakiya ay cilmibaadhis indhaha cilmibaadhaasha reer galbeed soo jiitay ku sameeyaan Maskaxda.

    Cilmibaadhitani waxa ay ku talax tagtay waxa loo yaqaan Parapsychology oo ay u qaateen erey-bixinta Biocommunication oo laba u kala baxda;

    1. Bioinformation
    2. Bioenergetic.

    – Sida oo kale sirdoonka Ruushka ee KGB ayaa sameeyay cilmibaadhis kale oo ay ugu magac dareen RUSSIAN SLEEP EXPRIMENT oo ay ugu talo gashay in hab-cilmi nafsiyeed qofka xogtiisa loo ogaan karo oo aanu waxba uga qarin karin.

    – Sirdoonka Hindiya ee magaciisa loo soo gaabiyo RAW ” Research and Analysis Wing” ayaa cilmi-baadhis dalka Hindiya ku helay hubka Nuclear ka sameeyay. Waxaana hawshan si joogta ah uga shaqaynayay 100 qof oo 58 ka mid yihiin bio-chemical Engineers ayna weheliyaan dhakhaatiir iyo askar.

    Cilmibaadhistan waxa dunida si toos ah loo la wadaagay markii Pokhran two la tijaabiyay May. 11.1998.

    – Waxa aan isna sina ba loo illaawi karin horumarka xawliga ku socda ee Chine in uu salka ku hayo cilmibaarisaha Hay’adda Sirdoon ee MCC.

    Waxba yaan tusaalayaasha idinku badane cilmo baarisaha ugu waxtarka badan waxa sameeya hay’adaha sirdoonka weli wax aan daba-socdaa fahankii Soomaalida ee runta ka fogaa ee ku saabsanaa hay’adaha sirdoonka.

    Cilmi-baarista iyo hay’adaha sirdoonka Q.8aad.

    (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)
    June 2, 2019

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.