Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taariikh Nololeedka Hanti Dhowraha Guud Ee maanta la magacaabay
    Somalia

    Taariikh Nololeedka Hanti Dhowraha Guud Ee maanta la magacaabay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 3, 2017Updated:August 3, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Fadaraalka Soomaaliya 3-di Agoosto, 2017.
     
    Maxamed ayaa ah aqoon yahan leh in ka badan shan iyo toban sano oo khibrad maamul dowladeed iyo ganacsiba, kana soo shaqeeyey maamulka dhanka xisaabaadka, hantidhowrka, qorsheynta qaranka, maamulidda qandaraasyada.
     
    Maxamed wuxuu jagooyin sare ka soo qabtey dowladda hoose ee Washington, D.C. ee dalka Mareykanka. Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan isgaarsiinta isagoo door ka ciyaarey isku biiridda labo shirkadood oo waaweyn oo lahaa hanti lagu qiimeeyey $70 Billion. Dr. Maxamed wuxuu kaloo aasaase iyo madax u ahaa hay’adda lagu magacaabo Somalia Forward Foundation (SFF) oo ah hay’ad ka shaqeysa la talinta dowladaha, shirkadaha iyo hay’adaha daneeya horumarka iyo dib u dhiska Soomaliya.
     
    Maxamed wuxuu ka heystaa Master of Business Administration University of Maryland University College, Graduate School of Management and Technology. Wuxuu kaloo ka heystaa Bachelor of Science Accounting iyo Management Information Systems George Mason University ee dalka Mareykanka.
     
    English
     
    Mr. Mohamed Mohamud Ali (Afgoi) was appointed Auditor General of Federal Government of Somalia on 3 August, 2017.
     
    Mr. Ali has more than fifteen years of experience in the public and private sectors where he managed financial operations, audits, resource allocations, small & large contracts, and negotiated disputes.
     
    During his tenure in public service, Mr. Ali served in senior positions in the Government of the District of Columbia in Washington, D.C. He also worked in the private sector especially in the Telecom industry where he played a role one of the largest merger & acquisitions (M&E) in the United States between Nextel and Sprint, which was valued $70 Billion. Mr. Ali also cofounded and served as Executive Director of Somalia Forward Foundation (SFF), a consulting and advisory organization that serves leading businesses, governments, non-government organizations, and not-for-profits that are dedicated to rebuilding Somalia.
     
    Mr. Ali attained his Master of Business Administration from the University of Maryland University College, Graduate School of Management and Technology. He also holds a Bachelor of Science from George Mason University where he majored in Accounting and minored in Management Information Systems.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.