Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madxaweyne Axmed Madoobe oo ku qaabilay Guriga martida Saraakiil Ciidan oo Maraykan ah
    Somalia

    Madxaweyne Axmed Madoobe oo ku qaabilay Guriga martida Saraakiil Ciidan oo Maraykan ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 3, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa guriga martida ee magaalada Kismaayo maanta kulan gaar ah kula qaatay madaxa howlgalka ciidamada Mareeykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. David J.Fumess.
     
    Kulanka oo diiradda lagu saarayay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo la filayo in dhawaan ay ka biloowdaan gobollada Jubooyinka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa madaxa ciidamada badda Mareeykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socday howlgalka AMISOM.
     
    Gobollada Jubooyinka iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka waxaa ku sugan Ciidamo Mareeykan ah oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ay iyagu tababarteen, kuwaa oo howlgallo qorsheeysan ka fuliya goobaha ay ku suganyihiin Al-shabaab islamarkaana beegsada madaxda Al-shabaab.
     
    Madaxweynaha Jubaland ayaa Mareeykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan ciiidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada isagoo sheegay in uu aaminsanyahay in Shabaab laga xoreyn karo gobollada ay ku harsanyihiin hadii la isu kaashado arintaasi.
     
    Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gobollada Jubooyinka balse waxa uu xusay in ay lagama maarmaan tahay kaalmo caalami ah oo arintaasi ku saabsan.
     
    Ciidamada Jubaland, kuwa xoogga dalka iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa ku sugan deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo, halkaa oo ay dhawaan ciidamo kala wareegeen Al-shabaab, waxaana deegaankaasi uu saldhig u yahay ciidamada isku dhafka ah ee u diyaarsan howlgallada ka dhan ah Shabaab ee la filayo in dhawaan ka biloowdaan gobollada Jubooyinka.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.