Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xariga Dadka Qowmiyada Tigreega oo weli sii socda
    Somalia

    Xariga Dadka Qowmiyada Tigreega oo weli sii socda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 5, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saraakiisha dalka Itoobiya ayaa si aan sharciga waafaqsanayn u xiray kumannaan qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ee dhawaan laga soo tarxiilay Sacuudiga, sida ay sheegeyso warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch.

    Warbixintii ugu dambeysay ee colaadda Itoobiya oo soo xiganeysa dad goobjoogayaal ah ayaa ku tilmaamay xarig wadareedyo loo geystay qowmiyada Tigrayga.

    Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay beegsaneyso dadka looga shakisan yahay in ay taageerayaan ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jiray dowladda tan iyo bishii November 2020, balse dib ugu laabtay gobolkooda toddobaadyo ka hor.

    Sida ay qortay walaaladda wararka ee AP, Nadia Hardman, oo ah cilmi-baare xuquuqda qaxootiga iyo muhaajiriinta, kana tirsan Human Rights Watch ayaa tiri: “Muhaajiriinta Tigreega ah ee tacadiyada xun kala kulmay xabsiga Sucuudiga ayaa lagu xirayaa xarumaha lagu hayo marka ay ku laabtaan Itoobiya.

    Waxay Nadia ugu baaqday Sacuudiga inay ilaaliyaan xaquuqda dadkan, isla markaana ay joojiyaan tarxiilkooda, taa beddelkeedana ay caawiyaan wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga si ay u helaan ilaalin caalami ah.

    Kumannaan Itoobiyaan ah oo intooda badan kasoo jeeda gobollada Tigreega iyo Axmaarada ayaa sanad kasta si sharci darro ah ugu socdaala dalka Sacuudiga, iyaga oo sii mara dalka Yemen si ay u helaan nolol dhaanta tan ay ku suganyihiin, balse mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa masaafuriyay kumannaan ka mid ah dadkaasi sanadihii lasoo dhaafay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.