Guddigii baaritaanka dhacdadii 27 December ee isku daygii Afgambiga Xafiiska Raβiisul Wasaaraha ayaa maanta suβaalo weydiiyay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Col. Xasan Dhicis iyo saraakiil kale oo ka tirsan Guutada 77aad ee Ilaalada Madaxtooyada.
Guddiga,ayaa waday labadii maalmood ee la soo dhaafay suβaalo weydiin iyo xog uruurin ku aadan dhacdadii 27 December.
Warar aan la xaqiijin oo lagu faafiyay baraha bulshada,ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ilaalada madaxtooyada kana mid ahaa ciidamadii weeraray xafiiska raβiisul wasaaraha ayy ka baxsadeen magaalada Muqdisho.
