Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saamaynta Shiinaha Ee Siyaasada Geeska oo siyaadaysa
    Somalia

    Saamaynta Shiinaha Ee Siyaasada Geeska oo siyaadaysa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay Khamiista maanta ah inay soo magacaabi doonto Ergey Gaar ah oo u qaabilsan horumarinta nabadda Geeska Afrika ee uu ay xasraduhu ka taagan yihiin, waxaana ay doonaysaa in ay diiradda saarto si ay uga ganacsato kaabayaasha dhaqaalaha ee Geeska Africa.


    Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa hadalkan ka sheegay dalka Kenya, oo ku hawlan dadaallada diblamaasiyadeed ee lagu joojinayo dagaalka ka socday Itoobiya ilaa dabayaaqadii 2020-kii ee u dhexeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo xukuumadda federaalka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

    Waxa uu sidoo kale booqday dalka Eritrea oo xuduud la leh gobolka Tigreega ee woqooyiga dalkaasi, isla markaana ay xulafo la ahaayeen Abiy, colaada ay ku dhinteen kumannaanka qof, boqollaal kun oo kalena ay xididada u siibtay gaajoda sii fideysa.

    “In la wadaago heshiis siyaasadeed iyo in la isku duwo ficillada, Shiinaha waxa ay soo magacaabi doontaa ergey gaar ah oo wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika,” ayuu Wang ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

    “Waddamada Geeska Afrika waa inay aayahooda ka tashadaan oo ay shir nabadeed isugu yimaadaan” ayuu Wang ku daray.

    Dagaalka kale ee ugu weyn ee ka socda gobolka waa Soomaaliya oo ay xoogagga Al-Shabaab kula dagaallamayaan dowladda ay reer galbeedku taageeraan.

    Shiinuhu, dhaqan ahaan waxa uu diiradda saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika, marka loo eego siyaasadda iyo diblomaasiyadda, Wang wax tafaasiil dheeri ah kama bixin doorka ergayga.

    Saraakiisha Shiinaha ayaa lix heshiis la saxiixday dhiggooda Kenya, oo uu ku jiro mid u oggolaanaya beeraleyda Kenya inay Shiinaha u dhoofiyaan Avocado cusub.”Tani waxay Kenya u sahlaysa in ay yarayso isu dheeli tirnaanta ganacsi ee kala dhexeeya Shiinaha”, ayay tiri Rachel Omamo, wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.