Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MUDEYNTA FARIISINTA GOLEYAASHA DEEGAANKA EE DEGMOOYINKA QARDHO, EYL IYO UFEYN.
    Somalia

    MUDEYNTA FARIISINTA GOLEYAASHA DEEGAANKA EE DEGMOOYINKA QARDHO, EYL IYO UFEYN.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 18, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUDEYNTA FARIISINTA GOLEYAASHA DEEGAANKA EE DEGMOOYINKA QARDHO, EYL IYO UFEYN.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo dhammaan Xubnihii 25kii October 2021 loo doortay Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl in Wasaaraddu u asteysay fariisinta Goleyaasha 3da Degmo iyo qabashada doorashada Guddoomiyaasha Degmooyinka 27 January 2022, saacaddu markay tahay 8:00am ama labo saac oo subaxnimo.

    Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan inta fariintaani ku socoto in si waafaqsan sharuucda Puntland Wasaaraddu fududeyn doonto:

    1. In fadhigaas lagu dhaariyo Xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee la doortay sida ku cad Qodobka 22aad ee Sharciga Lambar 7.
    2. In isla fadhigaas Gole kasta iska dhex doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen iyadoo la raacayo habraaca doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee ku xusan Qodobka 29aad ee Sharciga Lambar 7.
    3. Markii doorashadu dhacdo waxaa mar kale la dhaarinayaa Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka la doortay.
    4. Fadhiyada Goleyaashu waxay ka kala dhacayaan: a) Hoolka Beeyada ee Qardho; b) Hoolka Dowladda Hoose ee Ufeyn; b) iyo Hoolka Dowladda Hoose ee Eyl. FG. Wasaaradda ayaa idin la soo wadaagaysa haddii goobta lagu qabanayo fadhiga Goleyaasha wax iska badalaan.

    Ugu dambeyn, waxaa laga codsanayaa dhammaan in wakhtiga la illaaliyo.

         DHAMMAAD.

    XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.