Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qarax dhimasho fara badan sababay oo ka dhacay Ghana
    Somalia

    Qarax dhimasho fara badan sababay oo ka dhacay Ghana

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 22, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa uu ku dhacay mooto mareysay galbeedka Ghana, kadibna uu sameeyay qarax weyn, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen Jimcihii.

    Shilkan ayaa Khamiistii ka dhacay deegaanka Piate, oo u dhow Bogoso, oo ah magaalo macdanta laga qodo oo ku taal degmada Dooxada Prestea-Huni, sida uu sheegay madaxa fulinta dowladda hoose ee degmada Isaac Dsamani.

    Gaariga ayuu sheegay in uu siday waxyaabaha qarxa oo loo waday godka dahabka laga qodo ee Chirano ee ku yaala Galbeedka Gobolka.

    Qaraxa ayaa burbur weyn u geystay tuulada APIate, oo ay ku nool yihiin ilaa 500 oo qof. “Waa xaalad murugo leh,” ayuu yiri Prosper Baah oo ah ku simaha madaxa adeegga gaadiidka caafimaadka.

    Wakaaladda wararka ee AP ayaa qortay in muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhcay oo la soo dhigay baraha bulshada uu muujinayay guryaha goobta ka agdhawaa oo si weyn u burburay.

    “Runtii waa dhacdo nasiib darro ah, naxadin iyo murugona leh” ayuu ku yiri Madaxweynaha Ghana Nana Addo Dankwa Akufo-Addo qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, isagoo si qoto dheer uga tacsiyeeyay qoysaska dadka dhintay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.