Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa dhaliyay Jahwareerka Siyaasadeed Ee siyaasiyiinta Waqooyi ka dhexqarxay?
    Somalia

    Maxaa dhaliyay Jahwareerka Siyaasadeed Ee siyaasiyiinta Waqooyi ka dhexqarxay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 22, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ee ku sugan Muqdisho.

    Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dhaqanka Gobollada Waqooyi ee ku sugan Muqdisho,ayaa codsaday in dib loo dhigo doorashada xildhibaannada Gobolladaasi ee lagu wado in ay dhawaan qabsoonto.

    Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Muqdisho ayay uga digeen in aan la maroorsan doorashadooda.

    Dhanka kale Ra’iisal wasaare ku-xigeen Mahdi Maxamed Guuleed,ayaa difaacay Doorashada iyo Rooble kuna eedeeyay garabka gudoomiye Cabadi Xaashi Cabdullahi in ay u gafeen ra’iisal wasaaraha, doorashadana ay si habsami leh u socoto.

    “Wixii ka dhacay guriga Cabdi Xaashi dhaqan Somaliyed ma aheyn RW Rooble iyo beeshiisana waxaan ka raali gelinayaa gefkaas, waxaan leeyahay xaal qaata, Ra’iisul wasaarow raali ahow, beeshaadaana hanaga raali noqoto,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

    Mahdi oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri”Rooble Doorashada kuraasta reer Waqooyi door dhaqaale oo aan looga maarmin,ayuu ku leeyahay xafiiskiisa oo kaliya mana soo faro-gelin hanaanka loo maamulayo doorashada kuraastaas”

    Waxaa aragtidaas la qaba Mahdi Guuleed Siyaasi kale oo magac ku dhex leh Reer Waqooyi,kaasoo kamid ah Midowga Musharraxiinta Mucaaradka, marna soo ahaa ra’iisal wasaare kuxigeenka Somaliya,kaasoo ah Ridwaan Xirsi.

    “Waxaa dhacday in raysal wasaarihii iyo weliba hadana qoyskiisii laga hadlo, taasina aysan ahayn wax wanaagsan marka waxaan dooneynaa in doorashada aan la carqaladayn oo loo daayo raysal wasaaraha iyo Guddiyada doorashada u xilsaaraan oo ay dadka kale oo dhanna fara kala baxaan.”Ayuu yiri Ridwaan.

    Arimaha lagu eedeyay raysal wasaaha waxaa ka mid ah in uu garab maray odayaashii, ergooyinkii iyo dadkii loogu talagalay inay wax doortaan ee Gobolada Waqooyi.

    Jahwareerka dhanka siyaasadda ah ee soo food saaray siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi,ayaa lagu salaynayaa dhawr arimood oo kala ah…

    1.Tuhumo ah in Garabka Cabdixaashi Rag ku jiraa oo uu ugu horeeyo Buurmadow la soo dhexmarayo oo la doonayo in doorashada ay dib u dhacdo si Raysalwasaaruhu ufashilmo.

    2.Waxaa isbiirsaday Xaraarada & Xamaasada Doorashada oo ay ku lamaan tahay ujeedo badanta Siyaasadeed,Buurmadow oo kheyre,Farmaajo iyo Fahad ka dhex hadlayaan,Sidoo kale Pro.Samatar oo difaacaya Beyle oo Dadkiisu diidan yihiin iyo Odaygii Cabdixaashi ahaa oo Da’ ah.

    3.Rooble oo aan ahayn Nin karti badan oo maarayn kara Doorashada Xeerarkeeda iyo xaraaradaheeda,isla markaana garan kara dibin daabyada Siyaasiinta ay ishayaan ee isaga fashilinaya.

    4.Heshiiskii kuraasta ee Mahdi iyo Cabdixaashi oo looga baxay Cabdi,taasoo keentay tuhun oranaya…Rooble miyaa ku laabtay ushaqayntii Farmaajo?

    Isku soo wada duuboo Xaraarada Doorashada Dalka oo idil,waxay maraysaa meel kulul oo ubaahan hogaamiye Kartideed,fahankeed iyo dulqaadkeed leh.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.