Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka Oo Safiir cusub usoo magacaabay Somaliya
    Somalia

    Mareykanka Oo Safiir cusub usoo magacaabay Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 24, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, ku dhowaad sanad kadib markii la magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda.

    Qoraalka safaaradda oo lasoo dhigay Twitter ayaa lagu yiri “waxaan ku faraxsannahay inaan ku dhowaaqno imaatinta Danjire Larry Andre.”

    “Waxa uu aad u daneynayaa inuu si iskaashi leh ula shaqeeyo shacabaka Soomaaliyeed, dalkooda iyo dowladda federaalka, si loo horumariyo hadafyada aan wadaagno ee dib usoo nooleynta Soomaaliya oo ah qaran ammaan, barwaaqo iyo dimoqraadi ah.

    Danjiraha cusub ayaa Soomaaliya imanaya ayada oo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muran aan dhammaad laheyn oo hareeyey doorashada, waxaana dowladda Mareykanka ay horey ugu hanjabtay inay xayiraado la beegsan doonto kuwa carqaladda ku ah doorashooyinka Soomaaliya.

    Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa 18-kii December ansixiyay in Larry Edward Andre, Jr. uu noqdo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna beddelay danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

    Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April 2021 magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay.

    André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.